Adoo isticmaalaya Qalabka Macmalka ah si la iskaga ilaaliyo cayayaanka ayaxa labaad

Kuzi waa qalab digniin bixiya oo caawiya beeralayda Afrikaanka ah si loo xakameeyo ayaxa.

Adoo isticmaalaya Al si la iskaga ilaaliyo Cayayaanka Ayaxa labaad

Kuzi oo macneheedu tahay “Shinbir” Sawaaxili ahaan, shinbir cunta ayaxa, waa qalab oo awood siiyey Al oo sadaalinaya dhalashada, jiritaanka, iyo socdaalka wadooyinka ayaxa ee wadamada geeska Afrika iyo Bariga Afrika iyadoo la isticmaalaayo Xogta Satalaayd, Xogta Ciida, Indho indhayn Dhulka ah, iyo Ogaanshaha Mishiin. Kuzi wuxuu isticmaalaa nidaam ogaansho mishiin lagu tababaray xogta satalaaydka ee qoyaanka ciida, dabaysha, huurka, oogada heerkulka, xogta ciida, iyo tilmaamta khudaarta - oo dhamaantood qodobo saameeya taranka ayaxa, sameysanka dirxiga, iyo dhaqdhaqaaqa.

Kuzi waxay soo bandhigaysaa maab muujinaya goobaha khatarta badan waxayna saadaalinaysaa taranka ayaxa, sameysanka dirxiga, iyo weerarada socdaalka ee beeralayda iyo beeroolayaashu u isticmaali karaan feejignaanta iyo sadaalinta, ka hor 2-3 bilood. Beeralayda iyo beeroolayaashu waxay u isticmaali karaan Kuzi inay si fiican ugu sadaaliyaan marka horeba (oo ay helaan Fariimo feejignaana) marka ayaxa ay suurtogal weyn tahay inuu soo weeraro goobaha iyo beeraha oo ay ku jiraan raadsashada xoolaha.

Astaamaha

Maabka

Xaalada dhabta ah ee ayaxa Afrika, imika Itoobiya, Soomaaliya, Kiiiya, iyo Yugaandha.

Wadooyinka Socdaalka

Waxay muujinayaan dhamaan wadooyinka macquulka ah ee dhaqdhaqaaqa ayaxa

Gundhiga Taranka Ayaxa

Gundhig dhaba oo taranka ayaxa oo ku saleysan xogta dayax gacmeedka, sahaminta xogta dhulka, iyo waxbarashada mishiinka

Fariimaha Feejignaanta

Beeralaydu waxay helaan Fariimo Feejignaan Qoraala oo Bilaasha marka goobtoodu helis ugu jirto weerarka ayaxa.

Awoodsiinta Beeralayda:

Adoo isticmaalaya Al si la iskaga ilaaliyo Cayayaanka Ayaxa labaad awoodana saaraya gacmaha beeralayda.

Ogaanshaha Hore

Ogaanshaha hore iyo xakameyntu waa u muhiim maamulida ayaxa. Kuzi waxay isticmaashaa ogaansho qotodheer si ay u aragto sameysanka ayaxa si talaabooyinka ku haboon loo qaadi karo isla markiiba oo ay ku jiraan aqoonsashada goobaha ay ku tarmaan si looga hortago heerka bulshada, qalabka macquul u ah la dagaalanka gaajada aduunka iyo cunto yaraanta.

Kuzi waxay baabi’naysaa soo noqoshada ayayaxu inay dhacdo mar danbe.

Iyadoo la isticmaalayo waxbarashada nidaamka mishiinka ee lagu tababoray xogta dayax gacmeedka qoyaanka carada, dabaysha, huurka, heerkulka oogada, iyo khudaarta dhamaan qeybka ah qodobada saameeya taranka ayaxa, sameysanka dirxiga, iyo dhaqdhaqaaqa qalabka ku saleysan wabsaaydka ee muujinaya meelaha khatarta ugu jira ee saadaalinaya taranka ayaxa, sameysanka dirxiga iyo weerarada beeralayda iyo xoola dhaqatadu u isticmaali karaan fariimaha iyo sadaalinta, ka hor 2-3 bilood.

Beeralayda iyo xoola dhaqatadu waxay u isticmaali karaa Kuzi si ah u sadaaiyaan ka hor (una helaan Fariimo Qoraal Feejignaana) marka ayaxu uu soo weerari karo goobahooda iyo beerahooda oo ay ku jiraan raadinta xoolaha.

Waxay siinaysaa seeska digniinta hore, sadaalin, iyo siyaasad xakameyn ka hortag, una ogaalanysa ka hortaga in loo sameeyo si haboon oo wakhti hore ah.